Taariikhdii Kowaad 12:29-40 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

29. Oo reer Benyaamiin oo ahaa Saa'uul walaalihiisna waxaa ka joogay saddex kun oo nin, waayo, ilaa waagaas iyaga intoodii badnayd waxay daacad u sii ahaayeen reerkii Saa'uul.

30. Oo reer Efrayimna waxaa ka joogay labaatan kun iyo siddeed boqol oo nin, oo ah rag xoog badan oo dhammaantood reerahooda caan ku ah.

31. Oo reer Manaseh badhkiisiina waxaa ka joogay siddeed iyo toban kun oo nin, oo loo magacaabay inay yimaadaan oo ay Daa'uud boqraan.

32. Oo reer Isaakaarna waxaa ka joogay rag garasho u leh wakhtiyada iyo waxa reer binu Israa'iil waajibka ku ah inay sameeyaan, oo iyaga madaxdoodu waxay ahaayeen laba boqol oo nin oo walaalahood oo dhanna iyagaa xukumay.

33. Oo reer Sebulunna waxaa ka joogay kuwo ciidanka geli kara oo dagaalka isu safi kara, iyagoo wata cayn kasta oo ah alaabta dagaalka, oo isdiyaarin kara, oo aan labaqalbiilayaal ahayn, oo tiradooduna waxay ahayd konton kun oo nin.

34. Oo reer Naftaalina waxaa ka joogay kun sirkaal oo ay la socdaan toddoba iyo soddon kun oo nin oo waran iyo gaashaan wada sita.

35. Oo reer Daanna waxaa ka joogay siddeed iyo labaatan kun iyo lix boqol oo nin oo dagaalka isu safi kara.

36. Oo reer Aasheerna waxaa ka joogay afartan kun oo nin oo ciidanka geli kara oo dagaalka isu safi kara.

37. Oo Webi Urdun dhankiisa kalena waxaa ka yimid boqol iyo labaatan kun oo nin oo wata cayn kasta oo ah alaabta dagaalka, oo waxayna ahaayeen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis.

38. Intaas oo dhan oo wada ahaa rag dagaalyahan ah oo dagaalka isu safi kara waxay Xebroon ula yimaadeen qalbi qumman inay Daa'uud reer binu Israa'iil oo dhan u boqraan, oo reer binu Israa'iil intooda hadhay oo dhammuna isku qalbi bay ku ahaayeen inay Daa'uud boqraan.

39. Oo iyana halkaasay Daa'uud la joogeen intii saddex maalmood ah, iyagoo wax cunaya oo wax cabbaya, waayo, walaalahood baa sooryo u diyaariyey.

40. Oo weliba dadkii iyaga u dhowaa ee ahaa ilaa reer Isaakaar iyo reer Sebulun iyo reer Naftaali waxay cunto ku soo rareen dameerro, iyo awr, iyo baqlo, iyo dibi, oo waxay keeneen bur, iyo fudad berde ah, iyo rucubo sabiib ah, iyo khamri, iyo saliid, iyo dibi, iyo ido, dhammaanna aad iyo aad bay u badnaayeen, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil dhexdooda farxad baa jirtay.

Taariikhdii Kowaad 12