Samuu'eel Labaad 5:10-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Oo Daa'uudna aad iyo aad buu u sii xoogaystay; waayo, waxaa isaga la jiray Rabbiga ah Ilaaha ciidammada.

11. Markaasaa Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos ayaa Daa'uud wargeeyayaal u soo diray, iyo geedo kedar la yidhaahdo, iyo nijaarro iyo wastaadyo, oo iyana guri bay Daa'uud u dhiseen.

12. Oo Daa'uudna wuxuu ogaaday in Rabbigu isaga u taagay inuu ahaado boqor u taliya reer binu Israa'iil, iyo inuu boqortooyadiisa u sarraysiiyey dadkiisa reer binu Israa'iil aawadood.

13. Oo Daa'uudna weliba Yeruusaalem ayuu ka guursaday addoommo iyo naago kale markuu Xebroon ka yimid dabadeed, oo weliba waxaa Daa'uud u dhashay wiilal iyo gabdho.

14. Oo kuwanuna waa kuwii isaga Yeruusaalem ugu dhashay magacyadoodii: Shammuuca, iyo Shoobaab, iyo Naataan, iyo Sulaymaan,

15. iyo Yibxaar, iyo Eliishuuca, iyo Nefeg, iyo Yaafiica,

16. iyo Eliishaamaac, iyo Elyaadaac, iyo Eliifeled.

17. Oo reer Falastiinna markay maqleen in Daa'uud loo subkay inuu boqor u ahaado reer binu Israa'iil ayay reer Falastiin oo dhammu u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan; oo Daa'uudna taas wuu maqlay, markaasuu dhufayskii hoos ugu dhaadhacay.

18. Haddaba reer Falastiin way yimaadeen, oo waxay ku firdheen dooxadii Refaa'iim.

19. Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey, oo yidhi, Miyaan reer Falastiin ku kacaa? Miyaad ii soo gacangelinaysaa? Markaasaa Rabbigu wuxuu Daa'uud ku yidhi, Haah, ku kac, waayo, hubaal reer Falastiin waan kuu soo gacangelinayaa.

Samuu'eel Labaad 5