Samuu'eel Labaad 11:16-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Oo markuu Yoo'aab magaaladii arkay ayuu Uuriyaah ku hagaajiyey meeshii uu ku ogaa inay nimankii xoogga badnaa joogaan.

17. Oo raggii magaaladuna way soo baxeen, oo Yoo'aab la dirireen, oo dadkiina qaar baa ka dhintay, kuwaas oo ahaa addoommadii Daa'uud; Uuriyaah kii reer Xeedna wuu dhintay.

18. Markaasaa Yoo'aab Daa'uud cid u diray, oo wixii dagaalkii ku saabsanaa oo dhan ayuu uga warramay,

19. oo kii farriinta wadayna wuxuu ku amray oo ku yidhi, Markaad boqorka uga warrantid waxa dagaalka ku saabsan oo dhan,

20. markaas hadduu boqorku cadhoodo, oo kugu yidhaahdo, War maxaad magaalada ugu dhowaateen inaad la dirirtaan? Miyeydaan ogayn inay derbiga idinka soo tooganayaan?

21. Bal yaa dilay Abiimeleg oo ahaa ina Yerubbeshed? Sow naagu dhagax wax lagu shiido derbi kagama soo tuurin oo sow kuma uu dhiman Tebes? Haddaba maxaad idinku derbiga ugu dhowaateen? Markaas waxaad ku tidhaahdaa, Addoonkaagii Uuriyaah ahaa ee reer Xeed isna waa dhintay.

22. Haddaba wargeeyihii waa tegey, Daa'uudna wuu u yimid oo u sheegay wixii Yoo'aab u soo diray oo dhan.

23. Oo wargeeyihii wuxuu Daa'uud ku yidhi, Nimankii way naga xoog badnaadeen, markaasay dibadda noogu soo baxeen, oo annana waxaannu eryannay iyagii ilaa ay iriddii magaalada galeen.

Samuu'eel Labaad 11