Samuu'eel Labaad 1:23-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

23. Intay noolaayeen Saa'uul iyo Yoonaataan waxay ahaayeen kuwo la jecel yahay, oo macaan, Markay dhinteenna, lama kala geeyn, Gorgorrada way ka dheereeyeen, Libaaxyadana way ka xoog badnaayeen.

24. Gabdhaha reer binu Israa'iilow, Saa'uul u ooya, Kii dhar cas si raaxa leh idiin huwiyey, Oo dharkiinnana dahab ku sharraxay.

25. Kuwii xoogga badnaa siday dagaalka ugu dhex dhaceen! Yoonaataan waxaa lagu dilay meelihiinna sarsare.

26. Anigu daraaddaa baan u dhibtooday, walaalkay Yoonaataanow; Adigu aad baad iigu macaanayd, Oo jacaylkaad ii qabtay wuxuu ahaa mid yaab leh, Oo xataa caashaqa naagaha dhaafaya.

27. Bal eeg kuwii xoogga badnaa siday u dhaceen, Hubkii dagaalkuna siduu u hallaabay!

Samuu'eel Labaad 1