Samuu'eel Kowaad 2:27-30 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

27. Markaasaa Ceelii waxaa u yimid nin Ilaah, oo wuxuu ku yidhi isagii, Sidanaa Rabbigu leeyahay, Reerkii aabbahaa miyaan isu muujiyey markay Masar joogeen oo ay ku hoos jireen addoonsigii reerkii Fircoon?

28. Oo miyaan isaga ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan inuu wadaad ii noqdo, iyo inuu ku allabaryo meeshayda allabariga, iyo inuu uunsi shido, iyo inuu hortayda eefod ku xidho? Oo miyaan reerkii aabbahaa siiyey qurbaannadii reer binu Israa'iil oo dhan ee dab lagu sameeyo?

29. War maxaad u quudhsataan allabarigayga iyo qurbaankayga aan ku dhex amray rugtayda; oo maxaad wiilashaada iiga murwad badisaa, ee aad naftiinna ugu cayilisaan dadkayga reer binu Israa'iil qurbaannadooda oo dhan inta ugu wanaagsan?

30. Sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idhi, Hubaal reerkaaga iyo reerka aabbahaaba hortayday ku socon doonaan weligood. Laakiinse haatan Rabbigu wuxuu leeyahay, Taasu ha iga fogaato, waayo, kuwa i murweeya waan murwayn doonaa, oo kuwa i quudhsadana waa la fududaysan doonaa.

Samuu'eel Kowaad 2