1. Qalbigaygu wuxuu la buuxdhaafaa hadal wanaagsan, Oo waxaan boqorka u sheegayaa waxyaalihii aan sameeyey, Carrabkaygu waa sida karraani dhaqsiyo badan qalinkiis.
2. Adigu waad ka sii quruxsan tahay binu-aadmiga, Oo bushimahaaga waxaa ka buuxda nimco, Sidaas daraaddeed ayaa Ilaah kuu barakeeyey weligaaba.
3. Seeftaadu bowdadaada ha saarnaato, kaaga xoogga badanow, Oo quruxda iyo haybadda lahow.
4. Runta iyo camalqabowga iyo xaqnimada daraaddood, Waxaad faraskaaga ku fuushaa haybad adigoo barwaaqaysan, Oo gacantaada midigna waxay ku bari doontaa waxyaalo cabsi badan.
5. Fallaadhahaagu waa af badan yihiin, Oo waxay wadnaha ka mudaan boqorka cadaawayaashiisa, Dadyowguna hoostaaday ku soo dhacaan.
6. Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis, Oo ul caddaaladdeedna waa usha boqortooyadaada.
7. Adigu xaqnimada waad jeclayd, oo xumaantana waad necbayd, Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.
8. Dharkaaga oo dhan waxaa ka soo carfa malmal, iyo cuud, iyo qasica. Oo qasriyo fool maroodi ah ayaa kaaga farxiyey alaab muusiko xadhko leh.
9. Dumarkaaga sharafta leh waxaa ku jira gabdhaha boqorrada, Midigtaadana waxaa taagan boqoradda oo isku sharraxday dahabkii Oofir.
10. Haddaba, gabadhoy, bal i maqal, oo fiirso, oo dhegta soo dhig, Oo weliba waxaad illowdaa dadkaagii iyo gurigii aabbahaa;