Laawiyiintii 23:42-44 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

42. Intii toddoba maalmood ah waa inaad waabab ku hoyataan, oo kulli reer binu Israa'iilka waddaniga ah oo dhammu waa inay waabab ku hoydaan,

43. si farcankiinna dambe u ogaado inaan reer binu Israa'iil waabab ku hoyiyey markaan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

44. Oo Muusena wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay iidihii Rabbiga oo la amray.

Laawiyiintii 23