Ishacyaah 63:1-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Yuu yahay kan Edom ka soo socda oo dharka cas Bosraah kala imanaya? Kan dharkiisa ku quruxda badan oo weynaanta xooggiisa ku soo socda waa kuma? Waa anigan xaqnimada ku hadla oo inaan wax badbaadiyo u xoogga badan.

2. Bal maxaa dharkaagu u cas yahay, oo lebbiskaagana maxaa loo moodaa sida dharka kan macsarada canabka ku joogjoogsada?

3. Keligay baan macsarada ku tuntay, oo dadkiina qofna igalama joogin, waxaan iyaga kula tuntay cadhadayda, oo waxaan kula joogjoogsaday xanaaqayga, oo dhiiggooduna lebbiskayguu ku firidhsan yahay, dharkayga oo dhanna waan ku wada wasakheeyey.

4. Waayo, maalintii aarsashadu qalbigaygay ku jirtay, oo kuwaygii aan furtay sannaddoodu waa timid.

5. Waan doondoonay, laakiinse mid i caawiya lama arag, oo inaan la arag mid i tiiriya waan ka yaabay, sidaas daraaddeed gacantayda qudheeda ayaa badbaado ii keentay, waxaana i tiirisay cadhadaydii.

6. Oo dadyowgaan cadhadayda kula tuntay, xanaaqaygana waan ku sakhraamiyey, oo dhiiggoodana dhulkaan ku soo daadiyey.

7. Waxaan soo xusuusanayaa Rabbiga raxmaddiisii iyo Rabbiga ammaantiisii si waafaqsan waxyaalihii Rabbigu na siiyey oo dhan, iyo wanaaggii weynaa oo uu reer binu Israa'iil siiyey, kaasoo uu iyaga u siiyey si waafaqsan naxariistiisa, iyo si waafaqsan raxmaddiisa faraha badan.

8. Waayo, wuxuu yidhi, Hubaal iyagu waa dadkayga iyo wiilashayda aan been ku macaamiloon, oo sidaas daraaddeed ayuu Badbaadiye ugu noqday.

9. Dhibaatadoodii oo dhan ayuu isna ku dhibaatooday, oo waxaa iyagii badbaadisay malaa'igta hortiisa joogta, oo wuxuu iyagii ku soo furtay jacaylkiisii iyo naxdintiisii, oo isna wuu soo xambaaray, oo waayihii hore oo dhanna wuu siday.

10. Laakiinse way caasiyoobeen, oo Ruuxiisa Quduuska ahna way calool xumeeyeen, oo sidaas daraaddeed ayuu ugu rogmaday inuu cadowgoodii noqdo, wuuna la diriray.

11. Markaas dadkiisii waxay soo xusuusteen waayihii hore ee Muuse, oo waxay yidhaahdeen, Meeh kii badda ka soo gudbiyey iyagii iyo adhijirkii idihiisa? Meeh kii Ruuxiisa Quduuska ah dhexdooda dhigay,

12. kii dhudhunkiisa ammaanta badan gacanta midigta ee Muuse raacsiiyey, oo biyaha hortooda ku kala qaybiyey, inuu magac weligiis ah samaysto?

Ishacyaah 63