1. Rabbigu wuxuu ku leeyahay kan uu subkaday oo ah Kuuros, oo uu gacantiisa midig hayay inuu hortiisa quruumo ku hoosaysiiyo, oo uu boqorro dhexdooda guntiga ka furo, inuu hortiisa albaabbada ka furo, albaabbadaasna aanay mar dambe xidhmin:
2. Anigu waan ku hor socon doonaa, oo meelaha sarsarena waan simi doonaa, waanan kala burburin doonaa albaabbada naxaasta ah, oo qataarrada birta ahna waan kala googooyn doonaa,
3. oo waxaan ku siin doonaa khasnadaha gudcurka iyo maal qarsoon oo meelo sir ah ku jira, inaad ogaatid inaan ahay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo magacaa kuugu yeedha.