Cibraaniyada 6:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Taas daraaddeed aynu iska dayno ka hadlidda waxyaalihii ugu horreeyey ee Masiix, oo hore aynu ugu soconno kaamilnimada, oo yeynan mar kale dhigin aasaaska ka-toobadkeenidda shuqulladii dhintay, iyo iimaanka xagga Ilaah,

2. iyo waxbaridda baabtiisyada, iyo gacmo-dul-saaridda, iyo sarakicidda kuwii dhintay, iyo xukunka weligiis ah.

3. Oo tan waynu samayn doonnaa haddii Ilaah idmo.

4. Kuwii mar loo iftiimiyey, oo hadiyaddii jannada dhadhamiyey, oo laga dhigay kuwa ka qayb galay Ruuxa Quduuskaa,

Cibraaniyada 6