Bilowgii 32:21-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

21. Sidaas daraaddeed hadiyaddii waa ka sii hor gudubtay, isna habeenkaas geeddigii buu ku dhex baryay.

22. Kolkaasuu kacay habeenkaas, oo wuxuu kaxaystay labadiisii naagood, iyo labadiisii addoommood, iyo koob iyo tobankiisi carruurta ahayd, oo wuxuu ka gudbiyey tog Yabboq marinkiisii.

23. Wuuna kaxeeyey iyagii oo wuxuu u diray durdurka shishadiisa, wixii uu haystayna wuu gudbiyey.

24. Markaasuu Yacquub keligiis hadhay, nin baana la legdamayay isaga ilaa markii waagu beryayay.

25. Oo markuu arkay inuusan ka adkaanayn ayuu taabtay godkii bowdadiisa, bowdadii Yacquubna way murkacatay, intuu la legdamayay isagii.

26. Markaasuu yidhi, I sii daa, maxaa yeelay, waagii waa beryayaa. Isna wuxuu yidhi, Ku sii dayn maayo inaad i barakaysid mooyaane.

27. Mar kaasuu ku yidhi isagii, Magacaa? Isna wuxuu yidhi, Yacquub.

Bilowgii 32