Bilowgii 32:16-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Markaasuu xoolihii u dhiibay gacantii addoommadiisa, iyadoo goosan waluba goonidiisa yahay; oo wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Iga sii hor gudba, xoolahana goosan waluba goosanka kale cabbaar ha ka dambeeyo.

17. Oo kii ugu horreeyey ayuu amray oo wuxuu ku yidhi, Markii walaalkay Ceesaw kaa hor yimaado, oo ku weyddiiyo, isagoo ku leh, Yaa ku leh? Oo xaggee baad ku socotaa? Kuwan kaa horreeyana yaa leh?

18. waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa leh addoonkaagii Yacquub; oo waa hadiyad loo soo diray sayidkayga Ceesaw; oo isagiina wuu naga dambeeyaa.

19. Sidaasuu ku amray kii labaad, iyo kii saddexaad, iyo kuwii goosannada daba socday oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Sidaas waa inaad ula hadashaan Ceesaw markaad aragtaan;

Bilowgii 32