1 Tesaloniika 5:15-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Iska jira inaan midkiinna midka kale shar shar uga celin; laakiinse kol kasta wax wanaagsan ha ugu dadaalo, oo dadka oo dhanna ha ugu dadaalo.

16. Had iyo goorba farxa.

17. Joogsila'aanna tukada.

18. Wax walbana mahad ka naqa, waayo, taasu waxay idiin tahay doonista Ilaah xagga Ciise Masiix.

19. Ruuxa ha deminina.

20. Wax sii sheegiddana ha quudhsanina.

1 Tesaloniika 5