1 Korintos 13:8-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Jacaylku weligii ma idlaado. Hadday wax sii sheegiddii jirto, way baabbi'i doontaa, hadday afaf jiraan way dhammaan doonaan, hadday aqooni jirto way baabbi'i doontaa.

9. Waayo, waxaynu naqaan waa qabyo, oo si qabyo ahaan ah ayaynu wax u sii sheegnaa.

10. Laakiin markii waxa dhammi ay yimaadaan, waxa qabyada ahi way idlaan doonaan.

11. Markaan ilmo yar ahaan jiray, sidii ilmo oo kale ayaan u hadli jiray, sidii ilmo oo kale ayaan wax u garan jiray, sidii ilmo oo kale ayaan u fikiri jiray, laakiinse haatan waxaan noqday nin weyn, oo waxyaalihii carruurnimada waan iska fogeeyey.

12. Haatan si aan caddaan ahayn ayaynu muraayad wax ugu aragnaa, laakiin markaas ka fool ka fool ayaynu wax u arki doonnaa. Hadda si qabyo ahaan ah ayaan wax u garanayaa, laakiin markaas waxaan u garan doonaa sidii la ii gartay.

13. Haddabase waxa waaraa waa saddexdan, rumaysad iyo rajo iyo jacayl; laakiin kuwan waxaa ugu wada weyn jacayl.

1 Korintos 13