Yooxanaa 15:6-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Qof uun hadduusan igu jirin waxaa loo tuuraa sida laan oo kale, waana qallalaa, markaasaa la ururiyaa, oo dabka lagu tuuraa, oo la gubaa.

7. Haddaad igu jirtaan, oo ay erayadayduna idinku jiraan, weyddiista waxaad doonaysaanba, waana laydiin yeeli doonaa.

8. Waxaa Aabbahay ku ammaanmaa inaad midho badan dhashaan, waxaadna noqon doontaan xertayda.

9. Siduu Aabbuhu ii jeclaaday, ayaan anna idiin jeclaaday. Jacaylkayga ku sii jira.

10. Haddaad qaynuunnadayda xajisaan, jacaylkaygaad ku jiri doontaan, sidaan qaynuunnada Aabbahay u xajiyey, oo aan jacaylkiisa ugu jiro.

11. Waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay in farxaddaydu idinku jirto, iyo inay farxaddiinnu buuxsanto.

12. Kanu waa qaynuunkayga inaad isjeclaataan sidaan idiin jeclaaday.

13. Ninna ma leh jacayl kan ka weyn inuu nin naftiisa u bixiyo saaxiibbadiis.

Yooxanaa 15