Yooxanaa 10:39-42 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

39. Sidaa aawadeed mar kale ayay dooneen inay qabtaan, wuuna ka baxsaday gacantooda.

40. Haddana wuxuu u baxay Webi Urdun shishadiisa ilaa meeshii Yooxanaa markii hore ku jiray, isagoo dad ku baabtiisaya, meeshaasuuna joogay,

41. oo qaar badan baa u yimid isaga, waxayna ku yidhaahdeen, Runtii Yooxanaa calaamo ma samayn, laakiin wax walba oo Yooxanaa ka yidhi ninkan run bay ahaayeen.

42. Kuwa badan baana halkaa ku rumaystay isaga.

Yooxanaa 10