1. Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii aan xerada idaha illinka ka soo gelin ee meel kale ka soo fuulaa, kaasi waa tuug iyo waxdhace.
2. Laakiin kii illinka ka soo galaa waa adhijirka idaha.
3. Illinjoogaha ayaa isaga illinka ka fura, iduhuna codkiisay maqlaan, idihiisana magacyadooda ayuu ugu yeedhaa, oo dibadduu u kaxeeyaa.
4. Markuu kuwiisa wada saaro, wuu hor kacaa, iduhuna way raacaan, waayo, codkiisay garanayaan.
5. Nin qalaadna raaci maayaan, laakiin way ka cararayaan, waayo, codka kuwa qalaad garan maayaan.
6. Masaalkaas Ciise ayaa kula hadlay iyaga, laakiin ma ay garan waxyaaluhuu kala hadlayay xaggooda.
7. Haddaba Ciise ayaa mar kale ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Waxaan ahay illinka iduhu ka soo galaan.
8. Kuwii hortay yimid oo dhammu waa tuugag iyo waxdhacayaal, iduhuse ma maqlin.