Yexesqeel 9:9-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Markaasuu igu yidhi, Dadka dalka Israa'iil iyo dadka dalka Yahuudahba xumaantoodu aad iyo aad bay u badan tahay, oo dalkiina dhiig baa ka buuxsamay, oo magaaladiina qalloocnaan baa ka buuxsantay, waayo, waxay isyidhaahdaan, Rabbigu dhulka wuu ka tegey, oo Rabbigu waxba ma arko.

10. Oo aniguna indhahaygu uma tudhi doonaan, oo innaba uma aan nixi doono, laakiinse jidkooda ayaan madaxooda kaga abaalmarin doonaa.

11. Oo bal eeg, ninkii dharkii wanaagsanaa qabay oo geeska khadka dhinaciisa ku sitay ayaa war keenay, oo wuxuu yidhi, Wixii aad igu amartay ayaan sameeyey.

Yexesqeel 9