Yexesqeel 47:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo haddana wuxuu mar kale i geeyey daarta albaabkeedii, oo bal eeg, biyaa ka soo hoos baxayay marinkii daarta dhankeeda bari, waayo, daarta horteedu waxay u sii jeedday xagga bari, oo biyuhuna waxay ka soo hoos baxayeen daarta dhankeeda midigta oo ah meesha allabariga dhinaceeda koonfureed.

2. Markaasuu jidkii iridda xagga woqooyi iga soo bixiyey, oo wuxuu ila wareejiyey jidkii dibadda ahaa oo iridda dibadda loo mari jiray oo ku dhinac yiil jidkii xagga bari u sii jeeday, oo bal eeg, biyaa dhankeeda midigta ka dareerayay.

3. Oo ninkii markuu xagga bari tegey isagoo gacanta xadhigga ku haysta wuxuu qiyaasay kun dhudhun, oo wuxuu i soo dhex mariyey biyihii oo anqowyada i jooga.

4. Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay oo biyuhuu i soo dhex mariyey, oo biyuhu waxay i joogeen lowyaha. Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay, oo biyuhuu i soo dhex mariyey, oo markanna biyuhu waxay i joogeen dhexda.

Yexesqeel 47