1. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Barxadda gudaha iriddeeda xagga bari u sii jeeddaa waa inay lixda maalmood ee la shaqeeyo xidhnaataa, laakiinse maalinta sabtida waa inay furnaataa, oo maalinta bishu dhalatona waa inay furnaataa.
2. Oo amiirku waa inuu ka soo galaa jidka balbalada oo iridda dibadda, oo waa inuu iridda tiirkeeda ag istaagaa, oo wadaaddadu waa inay qurbaankiisa la gubo iyo qurbaannadiisa nabaadiinada diyaariyaan, oo waa inuu iridda marinkeeda ku sujuudaa, oo markaas waa inuu dibadda u baxaa, laakiinse iridda tan iyo fiidkii waa inaan la xidhin.
3. Oo maalmaha sabtida iyo maalmaha biluhu dhashaanba dadka dalka degganu waa inay albaabka iriddaas Rabbiga hortiisa ku sujuudaan.
4. Oo qurbaanka la gubo oo uu amiirku maalmaha Sabtida ah Rabbiga u bixin doono waa inuu ahaadaa lix wan oo yaryar oo aan iin lahayn iyo wan weyn oo aan iin lahayn.