Yexesqeel 45:21-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

21. Oo bisha kowaad maalinteeda afar iyo tobnaad waa inaad Iiddii Kormaridda iiddaan, taasoo ah iid toddoba maalmood ah, waana in la cunaa kibis aan khamiir lahayn.

22. Oo maalintaas amiirku waa inuu nafsaddiisa iyo dadka dalka oo dhanba dibi qurbaan dembi ah u diyaariyaa.

23. Oo toddobada maalmood oo iiddana waa inuu Rabbiga u diyaariyaa qurbaan la gubo, kaasoo ah toddoba dibi iyo toddoba wan oo aan iin lahayn oo uu toddobada maalmoodba maalin kasta diyaariya, oo maalin kastana waa inuu orgi qurbaan dembi u bixiyaa.

24. Oo waa inuu qurbaan hadhuudh oo ah eefaah dibiba iyo eefaah wanba diyaariyaa, oo eefah kastana waa inuu hiin saliid ah la bixiyaa.

Yexesqeel 45