1. Markaasuu macbudkii i geeyey, oo tiirarkuu qiyaasay, oo dhinacan ballaadhku wuxuu ahaa lix dhudhun, oo dhinaca kale ballaadhkuna wuxuu ahaa lix dhudhun, oo kaasuna wuxuu ahaa taambuugga ballaadhkiisii.
2. Oo kadinka ballaadhkiisuna wuxuu ahaa toban dhudhun, oo kadinka dhinacyadiisuna waxay ahaayeen shan dhudhun oo dhinaca iyo shan dhudhun oo dhinaca kale ah, oo dhererkiisuu qiyaasay oo wuxuu ahaa afartan dhudhun oo ballaadhkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun.
3. Oo haddana guduhuu galay oo wuxuu qiyaasay tiir kasta oo kadinka oo wuxuu ahaa laba dhudhun, oo kadinkuna wuxuu ahaa lix dhudhun, oo kadinka ballaadhkiisuna wuxuu ahaa toddoba dhudhun.