Yexesqeel 40:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Sannaddii shan iyo labaatanaad ee maxaabiisnimadayada, sannadda bilowgeedii, bisha maalinteedii tobnaad, sannaddii afar iyo tobnaad markii magaalada la qabsaday dabadeed, isla maalintaas qudheeda waxaa i dul saarnayd gacantii Rabbiga, oo halkaas buu i keenay.

2. Waxyaalihii Ilaah i tusay wuxuu igu geeyey dalkii reer binu Israa'iil, oo wuxuu i saaray buur aad u dheer, taasoo dhankeeda koonfureed ay wax magaalo dhismeheed u eg ku yiilleen.

3. Oo isagu halkaasuu i geeyey, oo bal eeg, waxaa meeshaas joogay nin naxaas u eg, oo gacanta ku haysta xadhig laga sameeyey geed linen la yidhaahdo, iyo cawsduur wax lagu qiyaaso, oo iridduu soo istaagay.

4. Oo ninkii wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxyaalaha aan ku tusi doono oo dhan indhaha ku fiiri, oo dhegaha ku maqal, oo qalbiga geli, waayo, waxaa halkan laguu keenay inaan waxyaalahan ku tuso. Oo wax alla wixii aad aragtid oo dhanba reer binu Israa'iil u sheeg.

Yexesqeel 40