Yexesqeel 39:2-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Dib baan kuu soo celin doonaa, waanan ku soo kaxaysan doonaa, oo waxaan kaa soo kicin doonaa meelaha woqooyi ugu shisheeya, oo buuraha reer binu Israa'iil ayaan ku keeni doonaa.

3. Oo qaansadaada gacantaada bidix waan ka tuuri doonaa, oo fallaadhahaagana gacantaada midig baan ka ridi doonaa.

4. Waxaad ku kor le'an doontaa buuraha reer binu Israa'iil, adiga iyo guutooyinkaaga oo dhan iyo dadka kula jiraaba, oo haadka adag ee cayn kasta ah iyo dugaagga duurka ayaan cunto ahaan kuu siin doonaa inay ku cunaan.

5. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu waxaad ku le'an doontaa berrin bannaan, waayo, aniga ayaa saas ku hadlay.

6. Oo waxaan dab ku soo dayn doonaa Maajuuj iyo kuwa gasiiradaha ammaanka isaga degganba, oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

7. Oo waxaan ka dhigi doonaa in magacayga quduuska ah dadkayga reer binu Israa'iil dhexdooda lagu ogaado, oo iyaga uma aan dayn doono inay magacayga mar dambe nijaaseeyaan, oo quruumuhuna waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga ah Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil.

Yexesqeel 39