Yexesqeel 3:16-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Oo markay toddoba maalmood dhammaadeen waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga isagoo leh,

17. Wiilka Aadamow, waardiye baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay, haddaba bal erayga afkayga ka soo baxaya maqal, oo digniin xaggayga ka timid iyaga gaadhsii.

18. Markaan sharrowga ku idhaahdo, Hubaal waad dhiman doontaa, haddaadan isaga u digin, oo aadan sharrowga la hadlin si aad jidkiisa sharka ah uga digto inaad naftiisa badbaadiso aawadeed, ninkaas sharrowga ahu xumaantiisuu ku dhex dhiman doonaa, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa.

19. Laakiinse haddaad sharrowga u digto, oo uusan isagu sharnimadiisa amase jidkiisa sharka ah ka soo noqon, markaas xumaantiisuu ku dhiman doonaa, adiguse naftaadii waad samatabbixisay.

20. Oo haddana haddii nin xaq ahu uu xaqnimadiisii ka noqdo oo uu xumaan sameeyo, intaan dhagax turunturo hor dhigo, isagu wuu dhiman doonaa. Uma aadan digin, oo saas darteed dembigiisuu ku dhiman doonaa, oo falimihiisii xaqa ahaa ee uu samayn jirayna lama soo xusuusan doono, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa.

21. Habase ahaatee haddaad ninka xaqa ah u digtid, si uusan ka xaqa ahu u dembaabin oo uusan dembi u samayn, markaas hubaal wuu noolaan doonaa, maxaa yeelay, wuu digniin qaatay, adiguna naftaadii waad samatabbixisay.

22. Oo gacantii Rabbiguna halkaasay igu kor saarnayd, oo wuxuu igu yidhi, Kac oo bannaanka u bax halkaasaan kugula hadli doonaaye.

23. Markaasaan kacay oo bannaankii u baxay, oo bal eeg, waxaa halkaas jirtay ammaantii Rabbiga, taasoo u eg ammaantii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay, oo aniguna wejigaan u dhacay.

24. Markaasaa ruuxii i soo galay, oo cagaha igu taagay, wuuna ila hadlay isagoo leh, Tag oo gurigaaga isku xidh.

25. Laakiinse Wiilka Aadamow, bal ogow, xadhkaa lagugu xidhi doonaa oo adna waad ku xidhnaan doontaa, oo dadka dhexdiisana uma aad bixi doontid.

26. Oo carrabkaaga dhabxanaggaagaan ku dhejin doonaa, si aad carrablaawe u noqotid, oo aanad iyaga mid canaanta ugu noqon, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.

27. Laakiinse markaan kula hadlo, afkaagaan furi doonaa oo waxaad ku odhan doontaa, Sayidka Rabbiga ahu sidaasuu leeyahay. Kii wax maqlaa, ha maqlo, oo kii diidaana ha diido, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.

Yexesqeel 3