Yexesqeel 14:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa waxaa ii yimid qaar odayaashii reer binu Israa'iil ka mid ah oo hortayday fadhiisteen.

2. Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

3. Wiilka Aadamow, nimankanu qalbigooday sanamyadoodii dabaggeliyeen, oo wejigoodana waxay hor dhigeen waxa ay ku turunturoodaan ee xumaantooda ah. Haddaba miyey waajib igu tahay inaan u jawaabo markay wax i weyddiistaan?

4. Sidaas daraaddeed iyaga la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah oo sanamkiisa qalbigiisa dabaggeliya, oo waxa uu ku turunturoodo ee xumaantiisa ahna wejigiisa hor dhiga, oo haddana nebiga u yimaada, aniga Rabbiga ah ayaa kii u yimaada u jawaabi doona sida sanamyadiisa faraha badan,

Yexesqeel 14