35. Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Kaldayiin, iyo kuwa Baabuloon deggan, iyo amiirradeeda, iyo raggeeda xigmadda lehba seef baa u diyaar ah.
36. Oo faanlowyadana seef baa u diyaar ah, wayna nacasoobi doonaan, oo raggeeda xoogga badanna seef baa u diyaar ah, wayna argaggixi doonaan.
37. Oo seef baa u diyaar ah fardahooda, iyo gaadhifardoodyadooda, iyo dadka isku qasan oo dhexdeeda jooga oo dhan, oo waxay noqon doonaan sida naago oo kale. Oo khasnadaheedana seef baa u diyaar ah, oo iyana waa la dhici doonaa.
38. Biyaheedana abaar baa u diyaar ah, wayna wada gudhi doonaan, waayo, kanu waa dal ay taswiiro xardhanu ka buuxaan, oo dadkuna sanamyo bay ka daba waashaan.
39. Sidaas daraaddeed dugaagga lamadegaanku waxay halkaas la degganaan doonaan yeyda, oo weliba gorayooyinka ayaa halkaas ku hoyan doona, oo weligeedna mar dambe lama degi doono, oo tan iyo ab ka abna dhexdeeda innaba laguma hoyan doono.
40. Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidii Ilaah u afgembiyey Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii u dhowaaba ayaan ciduna halkaas u joogi doonin oo uusan innaba binu-aadmina halkaas degganaan doonin.
41. Bal ogaada, dadyow baa xagga woqooyi ka iman doona, oo quruun weyn iyo boqorro badan ayaa dhulka darafyadiisa ka soo kici doona.