1. Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah mar labaad u yimid intuu weli barxaddii xabsiga ku xidhnaa, oo wuxuu ku yidhi,
2. Rabbiga waxyaalahaas sameeya, oo u yeela inuu sii adkeeyo aawadeed, magiciisu waa Rabbiga, oo wuxuu leeyahay,
3. I bari, waanan kuu jawaabi doonaa, oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalo waaweyn oo qarsoon oo aadan aqoon.
4. Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay guryaha magaaladan iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah oo loo dumiyey in la sameeyo wax lagaga daafaco tuulmooyinkii dagaalka iyo seefta,
5. Iyagu waxay u imanayaan inay reer Kaldayiin la diriraan, laakiinse waxay meeshan ka buuxin doonaan dad dhintay meydadkood, kuwaasoo aan cadhadayda iyo xanaaqayga ku laayay, oo aan dhammaantood xumaantooda aawadeed magaaladan wejigayga uga qariyey.
6. Bal ogaada, anigu waxaan iyada u keeni doonaa caafimaad iyo fayoobi, waanan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u muujin doonaa nabad iyo run badan.
7. Oo maxaabiistii dadka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Israa'iilba waan soo celin doonaa, oo iyagaan u dhisi doonaa sidii markii hore oo kale.
8. Xumaantoodii ay igu dembaabeen oo dhan waan ka nadiifin doonaa, oo xumaatooyinkoodii ay igu dembaabeen oo ay igu xadgudbeen oo dhanna waan ka cafiyi doonaa.
9. Oo magaaladanu waxay igu noqon doontaa magac farxadeed, oo ammaan iyo sharaf ku hor leh quruumaha dunida oo maqli doona wanaagga aan iyaga u sameeyo oo dhan hortooda, oo iyagu waxay la cabsan doonaan oo la wada gariiri doonaan wanaagga iyo nabadda aan u yeelo oo dhan.
10. Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeshan aad tidhaahdaan, Waa cidla aan dad iyo duunyo toona lahayn, taasoo ah magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalem, oo ah baabba' cidla ah, oo aan lagu arag dad, iyo wax deggan, iyo duunyo toona, waxaa mar kale laga dhex maqli doonaa
11. codka farxadda, iyo codka rayraynta, iyo codka arooska, iyo codka aroosadda, iyo codka kuwa leh, Rabbiga ciidammada u mahadnaqa, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa, iyo kuwa guriga Rabbiga allabaryo mahadnaqid ah keena. Waayo, maxaabiista dalka waan soo celin doonaa sidii markii hore oo kale, ayaa Rabbigu leeyahay.