Yeremyaah 19:9-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Oo waxaan ka dhigi doonaa inay cunaan hilibka wiilashooda iyo hilibka gabdhahoodaba, oo midkood kastaaba wuxuu cuni doonaa hilibka saaxiibkiis markii dagaal lagu hareereeyo oo ay ku cidhiidhsanaadaan cidhiidhiga cadaawayaashooda iyo kuwa naftooda doondoonaya ay ku cidhiidhin doonaan.

10. Oo markaas jalxadda waxaad ku jebisaa raggii kula socda hortooda.

11. Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadkan iyo magaaladanba waxaan u jejebin doonaa sida weelka dheryasameeyaha loo jebiyo oo kale, kaasoo aan mar kale la kabi karayn, oo waxaa meydadkooda lagu wada xabaali doonaa Tofed, ilamaa ay waayaan meel ay ku kala xabaalaan.

12. Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaasaan meeshan ku samayn doonaa, iyada iyo dadka dhex degganba, oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa sida Tofed oo kale,

13. oo guryaha Yeruusaalem iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah ee nijaasaysan waxay u ahaan doonaan sida meesha Tofed oo kale, xataa guryahaas oo ah kuwii saqafkooda oo dhan foox loogu shidi jiray ciidammada samada oo dhan, oo qurbaanno cabniin ah loogu bixin jiray ilaahyo kale.

14. Markaas Yeremyaah wuxuu ka yimid Tofed oo ah meeshii Rabbigu u diray inuu wax ku sii sheego, oo intuu barxaddii guriga Rabbiga soo istaagay ayuu dadkii oo dhan ku yidhi,

Yeremyaah 19