Yeremyaah 19:13-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. oo guryaha Yeruusaalem iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah ee nijaasaysan waxay u ahaan doonaan sida meesha Tofed oo kale, xataa guryahaas oo ah kuwii saqafkooda oo dhan foox loogu shidi jiray ciidammada samada oo dhan, oo qurbaanno cabniin ah loogu bixin jiray ilaahyo kale.

14. Markaas Yeremyaah wuxuu ka yimid Tofed oo ah meeshii Rabbigu u diray inuu wax ku sii sheego, oo intuu barxaddii guriga Rabbiga soo istaagay ayuu dadkii oo dhan ku yidhi,

15. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.

Yeremyaah 19