Yashuuca 3:6-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Oo Yashuuca wadaaddadii buu la hadlay, oo ku yidhi, Sanduuqa axdiga qaada, oo dadka ka hor gudba. Kolkaasay waxay qaadeen sanduuqii axdiga, oo dadkiina way ka hor mareen.

7. Markaasaa Rabbigu Yashuuca ku yidhi, Maantaan bilaabayaa inaan kugu weyneeyo reer binu Israa'iil hortooda, inay ogaadaan in sidii aan Muuse ula jiray, aan adigana kuula jiri doono.

8. Oo waa inaad amartaa wadaaddada sanduuqa axdiga sida, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii aad gaadhaan biyaha Webi Urdun qarkooda waa inaad Webi Urdun isdhex taagtaan.

9. Markaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Kaalaya halkan, oo maqla erayada Rabbiga Ilaahiinna ah.

10. Oo Yashuuca wuxuu yidhi, Sidan baad ku ogaan doontaan in Ilaaha nool idin dhex joogo, iyo inuu shakila'aan hortiinna ka eryi doono reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Xiwi, iyo reer Feris, iyo reer Girgaash, iyo reer Amor, iyo reer Yebuus.

11. Bal eega, Rabbiga dhulka oo dhan sanduuqiisii axdiga ayaa idin hor maraya xagga Webi Urdun dhexdiisa.

12. Haddaba sidaas daraaddeed laba iyo toban nin ka soo bixiya qabiilooyinka reer binu Israa'iil, qabiil walba nin.

13. Oo markii wadaaddada sida sanduuqa Rabbiga ah Rabbiga dhulka oo dhan ay calaacalaha cagahoodu taabtaan biyaha Webi Urdun, ayaa biyaha Webi Urdun kala go'i doonaan, kuwaasoo ah biyaha kor ka imanaya, oo markaasay meel istaagi doonaan iyagoo tuulan.

14. Oo markii dadku ka tegey teendhooyinkooda si ay Webi Urdun uga gudbaan aawadeed, iyadoo ay ka horreeyaan wadaaddada sida sanduuqii axdiga,

Yashuuca 3