14. Sidaas daraaddeed ilaa maantadan la joogo Xebroon waxay dhaxal u noqotay Kaaleeb ina Yefunneh oo ahaa reer Qenes, maxaa yeelay, daacad buu u raacay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
15. Oo waagii hore Xebroon magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Arbac; oo Arbacna wuxuu ahaa ninkii ugu weynaa reer Canaaq. Oo dalkiina dagaal wuu ka xasillay.