Xaakinnada 21:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddaba raggii reer binu Israa'iil waxay ku dhaarteen, iyagoo Misfaah jooga, oo waxay isku yidhaahdeen, Midkeenna waa inaanu gabadhiisa u guurin reer Benyaamiin.

2. Markaasaa dadkii waxay yimaadeen Beytel, oo halkaasay Ilaah hor fadhiyeen ilaa fiidkii, oo intay codkoodii kor u qaadeen ayay aad u ooyeen.

3. Oo waxay yidhaahdeen, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, maxaa waxanu uga dhex dhaceen reer binu Israa'iil in maanta qabiil ka dhimanaado reer binu Israa'iil?

4. Oo waxay noqotay maalintii dambe inay dadkii aroor hore kaceen oo ay halkaas ka dhiseen meel allabari, oo waxay bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.

Xaakinnada 21