Xaakinnada 18:5-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, bal Ilaah talo noo weyddii, inaannu ogaanno bal inaannu jidkayaga aan ku soconno ku soo liibaanayno iyo in kale.

6. Markaasuu wadaadkii ku yidhi, Nabad ku taga; waayo, jidka aad ku socotaan wuxuu hor yaallaa Rabbiga.

7. Markaasay shantii nin tageen, oo yimaadeen Layish oo waxay arkeen dadkii halkaa joogay oo ammaan ku deggan siday reer Siidoon u xasilloonaayeen oo ammaan u ahaayeen oo kale; waayo, dalka laguma arag wax amar haysta, oo ka xishoodsiinaya, oo reer Siidoonna way ka fogaayeen, oo ninnaba lama ay macaamiloon jirin.

8. Markaasay nimankii walaalahood ugu yimaadeen Sorcaah iyo Eshtaa'ool. Kolkaasaa walaalahood waxay ku yidhaahdeen, War bal warrama.

9. Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, War kaca oo ina keena aynu ku duullee, waayo, waannu soo aragnay dalkii, oo aad buu u wanaagsan yahay. Miyaad iska aamusnaanaysaan? War ha ka caajisina inaad tagtaan oo aad dalka gashaan oo dhaxashaan.

10. Markaad tagtaan waxaad u tegi doontaan dad ammaan ah, oo dalkuna waa ballaadhan yahay; waayo, Ilaah gacantuu idiin geliyey, oo waa meel aan waxba looga baahnayn waxa dhulka laga helo oo dhan.

11. Markaas reer Daan waxaa halkaas kaga bixitimay oo Sorcaah iyo Eshtaa'ool ka tegey lix boqol oo nin oo hubkii dagaalka xidhan.

12. Markaasay baxeen oo degeen Qiryad Yecaariim oo ku taal Yahuudah; sidaas daraaddeed meeshaas waxay u bixiyeen Maxaneh Daan, oo ilaa maanta waa la yidhaahdaa; oo waxay ka dambaysaa Qiryad Yecaariim.

13. Oo halkaasna way ka tageen oo waxay u kaceen dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, markaasay yimaadeen gurigii Miikaah.

14. Kolkaasaa shantii nin oo waddanka Layish soo basaastay waxay ku jawaabeen oo walaalahood ku yidhaahdeen, War ma og tihiin inay guryahan ku jiraan eefod iyo teraafiim, iyo sanam xardhan iyo sanam la shubay? Haddaba sidaas daraaddeed ka fiirsada waxaad samayn lahaydeen.

15. Oo intay halkaas ku soo leexdeen ayay yimaadeen gurigii ninkii dhallinyarada ahaa oo reer Laawi, kaasoo ahaa gurigii Miikaah, wayna nabdaadiyeen.

16. Markaasay lixdii boqol oo nin ee hubka dagaalka xidhnayd ee ahaa reer Daan ag istaageen iridda laga soo galo.

Xaakinnada 18