17. Dalkow, waad barakaysan tahay, markii boqorkaagu nin gobeed yahay, oo amiirradaaduna ay wakhti habboon wax u cunaan inay xoog ku yeeshaan ee aan ahayn inay sakhraamaan!
18. Caajisnimo badan saqafku waa ku dumaa, oo shuqulla'aanta gacmahana gurigaa ku darroora.
19. Diyaafadda waxaa loo dhigaa qosol aawadiis, khamriguna naftuu u raaxeeyaa, oo lacagtu wax kastaba way ka jawaabtaa.
20. Boqorka ha ku caayin xataa fikirkaaga, oo taajirkana ha ku caayin qolladdaada jiifka, waayo, shimbir hawada duusha ayaa codkaaga qaadi doonta, oo wax baalal leh ayaa xaalka sheegi doona.