4. In kastoo uusan wiilal lahayn magicii aabbahayo maxaa qabiilkiisa looga dhex baabbi'inayaa? Haddaba aabbahayo walaalihiis dhul dhaxal ah nagu dhex sii.
5. Markaasaa Muuse arrintoodii keenay Rabbiga hortiisa.
6. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
7. Gabdhaha Selaafexaad wax qumman bay ku hadleen. Haddaba hubaal waa inaad dhul dhaxal ah aabbahood walaalihiis ka dhex siisaa, oo waa inaad iyaga aabbahood ka dhaxalsiisaa.
8. Oo waa inaad reer binu Israa'iil la hadashaa, oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Haddii nin dhinto oo uusan wiil lahayn, markaas waa inaad gabadhiisa dhaxalsiisaan.
9. Oo hadduusan gabadhna lahayn, markaas waa inaad dhaxalsiisaan walaalihiis.
10. Oo hadduusan walaalo lahaynna markaas waa inaad adeerradiis dhaxalsiisaan.
11. Oo hadduusan aabbihiis walaalo lahaynna markaas waa inaad dhaxalsiisaan mid xigtadiisa ah oo isagu ha lahaado. Oo taasu qaynuun xukun ah bay u ahaan doontaa reer binu Israa'iil, sida Rabbigu Muuse ku amray.
12. Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Buurtan Cabaariim soo fuul, oo bal fiiri dalka aan reer binu Israa'iil siiyey.
13. Oo markaad aragtid dabadeed dadkaagii dhintay waad ku darman doontaa, sidii walaalkaa Haaruunba ugu darmaday,
14. maxaa yeelay, eraygayga baad kaga caasideen cidladii Sin markay dadka shirku dirireen ee aad aniga quduus igaga dhigi weydeen biyaha agtooda, iyagoo u jeeda. (Kuwaasu waa biyihii Meriibaah oo ku yaal Qaadeesh oo ah cidlada Sin.)
15. Markaasaa Muuse Rabbiga la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
16. Rabbiga ah Ilaaha ruuxyada binu-aadmiga oo dhan, ha doorto nin u taliya shirka,
17. oo hortooda dibadda ugu baxa, oo hortooda gudaha soo gala, oo iyaga dibadda u hoggaamiya, oo gudaha soo geliya inaan shirka Rabbigu ahaan sidii ido aan idojir lahayn.