45. Oo wiilashii Beriicaah waxaa ka soo farcamay: Xeber oo dhalay qabiilka reer Xeber, iyo Malkii'eel oo dhalay qabiilka reer Malkii'eel.
46. Oo Aasheer gabadhiisii magaceediina wuxuu ahaa Serax.
47. Oo intaasu waa qabiilooyinkii reer Aasheer, oo intii iyaga laga tiriyeyna waxay ahaayeen saddex iyo konton kun iyo afar boqol.
48. Oo wiilashii Naftaali iyo qabiilooyinkoodii waa kuwan: Yaxse'eel oo dhalay qabiilka reer Yaxse'eel, iyo Guunii oo dhalay qabiilka reer Guunii;
49. iyo Yeser oo dhalay qabiilka reer Yeser, iyo Shilleem oo dhalay qabiilka reer Shilleem.
50. Intaasu waa qabiilooyinkii reer Naftaali sidii ay qabiilooyinkoodu ahaayeen. Oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo afar boqol.
51. Intaasu waa intii laga tiriyey reer binu Israa'iil, oo waxay kulligood ahaayeen lix boqol oo kun iyo toddoba boqol iyo soddon.
52. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
53. Kuwan ayaa dalka dhaxal ahaan loogu qaybin doonaa sida ay tahay tirada magacyadoodu.
54. Kuwii badan waa inaad siisaa dhaxal badan oo kuwii yarna waa inaad siisaa dhaxal yar. Oo mid kasta sida kuwii laga tiriyey ay ahaayeen dhaxalka ha loo siiyo.
55. Habase yeeshee dhulka waa in saami loo ritaa marka la qaybsanayo. Sida magacyada qabiilooyinka awowayaashoodu ahaayeen ha u dhaxleen.
56. Oo kuwa badan iyo kuwa yarba dhaxalkooda saami ha lagu kala qaybiyo.
57. Kuwii laga tiriyey reer Laawi iyo qolooyinkoodii waa kuwan: Gershoon oo dhalay qabiilka reer Gershoon, iyo Qohaad oo dhalay qabiilka reer Qohaad, iyo Meraarii oo dhalay qabiilka reer Meraarii.