Tirintii 24:16-25 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Wuxuu leeyahay kii erayadii Ilaah maqla, Oo yaqaan aqoonta Kan ugu sarreeya, Oo tusniintii Ilaaha Qaadirka ah arka, Oo dhaca, isagoo indhihiisu furan yihiin,

17. Isagaan arkaa, haddase ma aha, Waan u jeedaa, mase dhowa, Reer Yacquub xiddig baa ka soo bixi doonta, Reer binu Israa'iil waxaa ka soo kici doonta ul boqortooyo, Oo waxay burburin doontaa rukummada Moo'aab, Oo waxay baabbi'in doontaa dadka Sheed oo dhan.

18. Oo dalka Edom wuxuu noqonayaa hantidooda, Oo Seciir oo isna cadowgooda ahaa hantidooduu noqonayaa. Oo reer binu Israa'iil way xoogaysan doonaan.

19. Oo mid reer Yacquub ka soo farcamay ayaa xukun yeelan doona, Oo wuxuu baabbi'in doonaa kuwa magaalada ka hadha.

20. Markaasuu Camaaleq eegay, oo hadalkiisii sii watay oo yidhi, Camaaleq wuxuu ahaa kan quruumaha ugu horreeya, Laakiinse ugudambaysta wuu halligmi doonaa.

21. Oo haddana wuxuu eegay reer Qeyn, markaasuu hadalkiisii sii watay oo yidhi, Meeshaad deggan tihiin waa adag tahay, Oo buulkiinnana dhagaxaa laga dhisay.

22. Habase yeeshee waa laydin baabbi'in doonaa, reer Qeynow, Jeer ay reer Ashuur maxaabiis ahaan idiin kaxaystaan.

23. Markaasuu hadalkiisii sii watay oo wuxuu yidhi, Hoogay, ee bal yaa sii noolaan doona markii Ilaah waxan sameeyo?

24. Laakiinse doonniyo waxay ka iman doonaan xeebta Kitiim, Oo waxay dhibi doonaan Ashuur, oo waxay dhibi doonaan Ceeber, Oo isna wuu halligmi doonaa.

25. Markaasaa Balcaam kacay oo ku noqday meeshiisii; Baalaaqna wuu iska tegey.

Tirintii 24