1. Boqoraddii Shebaa markay maqashay Sulaymaan warkiisii ayay Sulaymaan ugu timid Yeruusaalem inay ku imtixaanto su'aalo adadag, oo waxay wadatay dad aad u badan, iyo awr badan oo ay ku raran yihiin uunsi, iyo dahab aad u badan, iyo dhagaxyo qaali ah; oo markay Sulaymaan u timid wixii qalbigeeda ku jiray oo dhan ayay kala hadashay.
2. Sulaymaanna wuxuu uga jawaabay su'aalaheedii oo dhan, oo wax Sulaymaan ka qarsoonaa oo uusan u sheegin ma jirin.
3. Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan iyo gurigii uu dhisay,
4. iyo cuntadii miiskiisa, iyo fadhigii addoommadiisa, iyo hawshii adeegayaashiisa iyo dharkoodii, iyo kuwiisii cabniinka siin jiray iyo dharkoodii, iyo wixii uu guriga Rabbiga ku fuuli jiray, naf dambe iyadii kuma hadhin.
5. Markaasay boqorkii ku tidhi, Warkii aan dalkaygii ku maqlay ee ku saabsanaa falimahaaga iyo xigmaddaada run buu ahaa.
6. Habase yeeshee erayadoodii ma aan rumaysan jeeraan imid oo ay indhahaygu arkeen, oo weliba xigmaddaada weynaanteedii badhna la iima sheegin, haddaba waad ka sii weyn tahay warkii aan maqlay.
7. Waxaa faraxsan raggaaga oo waxaa faraxsan addoommadaadan had iyo goorba hortaada taagan oo xigmaddaadana maqla.