Taariikhdii Labaad 27:5-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Oo weliba wuxuu la diriray oo ka adkaaday boqorkii reer Cammoon. Oo reer Cammoonna isla sannaddaasba waxay isagii siiyeen boqol talanti oo lacag ah, iyo toban kun oo kor oo sarreen ah, iyo toban kun oo kor oo shaciir ah. Oo reer Cammoon intaas ayay siiyeen sannaddii labaad iyo sannaddii saddexaadba.

6. Oo sidaasuu Yootam u xoogaystay, maxaa yeelay, jidadkiisa ayuu ku hor toosiyey Rabbiga Ilaahiisa ah.

7. Haddaba Yootam falimihiisii kale iyo dagaalladiisii oo dhan iyo jidadkiisii oo dhammu waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah.

8. Markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna lix iyo toban sannadood buu boqor ku ahaa.

9. Markaasaa Yootam dhintay oo la seexday awowayaashiis oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aaxaas.

Taariikhdii Labaad 27