1. Yoo'aashna toddoba sannadood buu jiray markuu boqor noqday, oo afartan sannadoodna Yeruusaalem buu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Sibyaah tii reer Bi'ir Shebac.
2. Oo Yoo'aashna wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa wakhtigii wadaadkii Yehooyaadaac ahaa noolaa oo dhan.
3. Oo Yehooyaadaacna wuxuu isagii u guuriyey laba naagood, oo wuxuu dhalay wiilal iyo gabdhoba.
4. Oo waxyaalahaas dabadoodna Yoo'aash wuxuu ku fikiray inuu gurigii Rabbiga cusboonaysiiyo.
5. Markaasuu soo wada ururiyey wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi, oo wuxuu ku yidhi, Baxa oo magaalooyinka dalka Yahuudah taga, oo reer binu Israa'iil oo dhan waxaad ka soo ururisaan lacag guriga Ilaahiinna lagu cusboonaysiiyo sannad ilaa sannad, oo xaalkaas dhaqso u sameeya. Habase yeeshee kuwii reer Laawi xaalkaas kuma ayan dhaqsan.