17. Markaasaa Sulaymaan wada tiriyey shisheeyayaashii dalka Israa'iil degganaa oo dhan, oo wuxuu u tiriyey sidii aabbihiis Daa'uud u tiriyey oo kale, oo waxay noqdeen boqol iyo saddex iyo konton kun iyo lix boqol oo qof.
18. Oo wuxuu iyagii ka dhigay toddobaatan kun oo xammaal, iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha geedo ka jara, iyo saddex kun iyo lix boqol oo nin oo dadka u taliya oo shuqulka u dira.