Taariikhdii Labaad 18:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddaba Yehooshaafaad wuxuu lahaa maal iyo sharaf badan, xidhiidh buuna la yeeshay Axaab.

2. Oo dhawr sannadood dabadood isagu wuxuu Axaab ugu tegey Samaariya. Oo Axaabna isagii iyo dadkiisii la socdayba wuxuu u qalay ido iyo dibi faro badan, oo wuxuuna isagii oggolaysiiyey inuu ula kaco Raamod Gilecaad.

3. Markaasaa Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ku yidhi, Ma ii raacaysaa Raamod Gilecaad? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Anigu kula mid baan ahay, oo dadkayguna waa dadkaagoo kale, oo annaguna dagaalka waan idinla gelaynaa.

4. Markaasaa Yehooshaafaad boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Waan ku baryayaaye bal maanta erayga Rabbiga wax weyddii.

5. Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil soo wada ururiyey nebiyadii oo ahaa afar boqol oo nin, oo wuxuu ku yidhi, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagnaa mise waan iska daaya? Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Tag, waayo, Ilaah wuxuu iyada soo gelin doonaa gacantaada, boqorow.

6. Laakiinse Yehooshaafaad wuxuu ku yidhi, Kuwan mooyaane miyaanu nebiga Rabbiga jirin aan wax weyddiinnee?

Taariikhdii Labaad 18