Taariikhdii Kowaad 8:32-39 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

32. Miqloodna wuxuu dhalay Shime'aah. Iyana walaalahood ayay la degganaayeen Yeruusaalem meel walaalahood ka soo hor jeedda.

33. Neerna wuxuu dhalay Qiish, Qiishna wuxuu dhalay Saa'uul, Saa'uulna wuxuu dhalay Yoonaataan, iyo Melkiishuuca, iyo Abiinaadaab, iyo Eshbacal.

34. Wiilkii Yoonaataanna wuxuu ahaa Meriibacal, Meriibacalna wuxuu dhalay Miikaah.

35. Wiilashii Miikaahna waxay ahaayeen Fiitoon, iyo Meleg, iyo Tareeca, iyo Aaxaas.

36. Aaxaasna wuxuu dhalay Yehoocaddaah, Yehoocaddaahna wuxuu dhalay Calemed, iyo Casmaawed, iyo Simrii, Simriina wuxuu dhalay Moosaa.

37. Moosaana wuxuu dhalay Bincaa, oo wiilkiisiina wuxuu ahaa Rafaah, oo dhalay Elecaasaah, oo isna dhalay Aaseel.

38. Aaseelna wuxuu lahaa lix wiil, oo magacyadoodiina waa kuwan: Casriiqaam, iyo Bokeruu, iyo Ismaaciil, iyo Shecaryaah, iyo Cobadyaah, iyo Xaanaan. Oo kulli intaas oo dhammu waxay ahaayeen wiilashii Aaseel.

39. Ceesheq oo ahaa walaalkiis wiilashiisiina waa kuwan, Uulaam oo curadkiisii ahaa, iyo Yecuush oo ahaa kii labaad, iyo Eliifeled oo ahaa kii saddexaad.

Taariikhdii Kowaad 8