Taariikhdii Kowaad 27:24-31 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

24. Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay ayaa bilaabay inuu dadka tirsho, laakiinse ma uusan dhammayn, oo tirintaas aawadeed ayaa reer binu Israa'iil cadho ugu soo degtay, oo tiradiina laguma darin xisaabtii kitaabkii taariikhda oo Boqor Daa'uud.

25. Oo boqorka khasnadihiisana waxaa u talinayay Casmaawed ina Cadii'eel, oo guryihii wax lagu kaydiyey ee beeraha ku yiil, iyo kuwii ku yiil magaalooyinka, iyo tuulooyinka, iyo qalcadahaba waxaa u talinayay Yoonaataan ina Cusiyaah.

26. Oo kuwii samayn jiray shuqulka beeraha inay dhulka qodaanna waxaa u talinayay Cesrii ina Keluub.

27. Oo beeraha canabka ahna waxaa u talinayay Shimcii oo ahaa reer Raamad, oo guryihii lagu kaydiyey khamrigii laga helay beeraha canabka ahna waxaa u talinayay Sabdii oo ahaa reer Shifmii.

28. Oo dhirtii saytuunka ahayd iyo dhirtii darayga ahayd oo dalkii dooxada ahaa ku yiilna waxaa u talinayay Bacal Xaanaan oo ahaa reer Geder, guryihii saliidda lagu kaydiyeyna waxaa u talinayay Yoo'aash.

29. Oo lo'dii Shaaroon daaqi jirtayna waxaa u talinayay Shitray oo ahaa reer Shaaroon, oo lo'dii dooxooyinka joogtayna waxaa u talinayay Shaafaad ina Adlay.

30. Oo geelashana waxaa u talinayay Oobiil oo ahaa reer Ismaaciil, oo dameerahana waxaa u talinayay Yexdeyaah oo ahaa reer Meeronotii,

31. oo adhyahana waxaa u talinayay Yaasiis oo ahaa reer Hagrii. Oo kulli intaas oo dhammu waxay ahaayeen taliyayaashii maalkii Boqor Daa'uud.

Taariikhdii Kowaad 27