6. Oo Shemacyaah ina Netaneel oo karraanigii ahaa, oo ahaa reer Laawi ayaa iyagii ku hor qoray boqorkii, iyo amiirradii, iyo wadaadkii Saadooq, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, iyo madaxdii qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi ahaa, in reer loo qaado reer Elecaasaar, reerna loo qaado reer Iitaamaar.
7. Haddaba saamigii kowaad wuxuu u soo baxay Yehooyaariib, kii labaadna Yedacyaah,
8. kii saddexaadna Haarim, kii afraadna Secoriim,
9. kii shanaadna Malkiiyaah, kii lixaadna Miyaamin,
10. kii toddobaadna Haqoos, kii siddeedaadna Abiiyaah,
11. kii sagaalaadna Yeeshuuca, kii tobnaadna Shekaanyaah,
12. kii kow iyo tobnaadna Eliyaashiib, kii laba iyo tobnaadna Yaaqiim,
13. kii saddex iyo tobnaadna Xufaah, kii afar iyo tobnaadna Yeshebe'aab,
14. kii shan iyo tobnaadna Bilgaah, kii lix iyo tobnaadna Immeer,
15. kii toddoba iyo tobnaadna Xeesiir, kii siddeed iyo tobnaadna Hafisees,
16. kii sagaal iyo tobnaadna Fetaxyaah, kii labaatanaadna Yexesqeel,
17. kii kow iyo labaatanaadna Yaakiin, kii laba iyo labaatanaadna Gaamuul,
18. kii saddex iyo labaatanaadna Dalaayaah, kii afar iyo labaatanaadna Macasyaah.
19. Kaasu wuxuu ahaa qaynuunkii ay u kala qaybsanaayeen oo ay hawshooda ku qaban jireen, inay gurigii Rabbiga ku soo galaan qaynuunkii iyaga lagu soo dhiibay awowgood Haaruun, sidii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil uu isaga ku amray.
20. Oo reer Laawi intii hadhayna waxaa ka mid ahaa kuwan, wiilashii Camraam waxaa ka joogay Shuubaa'eel, wiilashii Shuubaa'eelna waxaa ka joogay Yexdeyaah.