Taariikhdii Kowaad 15:23-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

23. Oo Berekyaah iyo Elqaanaahna waxay iridjoogayaal u ahaayeen sanduuqii.

24. Oo wadaaddadii ahaa Shebanyaah, iyo Yehooshaafaad, iyo Netaneel, iyo Camaasay, iyo Sekaryaah, iyo Benaayaah, iyo Eliiceserna turumbooyin ayay ku hor afuufayeen sanduuqii Ilaah, oo Cobeed Edoom iyo Yexiyaahna iridjoogayaal ayay sanduuqii u ahaayeen.

25. Sidaas daraaddeed Daa'uud iyo odayaashii reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyeyba waxay u tageen inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan gurigii Cobeed Edoom iyagoo faraxsan.

26. Oo markii Ilaah caawiyey kuwii reer Laawi oo qaaday sanduuqii axdiga Rabbiga ayay toddoba dibi iyo toddoba wan ku allabaryeen.

27. Oo Daa'uudna wuxuu xidhnaa dhar aad u wanaagsan, isaga iyo kuwii reer Laawi oo sanduuqa qaaday oo dhan, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo Kenanyaah oo ahaa madaxdii gabayga oo la jiray nimankii gabayaaga ahaa, oo Daa'uudna wuxuu qabay eefod maro wanaagsan ah.

28. Haddaba reer binu Israa'iil oo dhammu saasay u soo qaadeen sanduuqii axdiga Rabbiga iyagoo dhawaaqaya, oo afuufaya buun iyo turumbooyin, oo ka dhawaajinaya suxuun laysku garaaco, iyo shareerado iyo kataarado.

Taariikhdii Kowaad 15