Sharciga Kunoqoshadiisa 28:21-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

21. Oo Rabbigu wuxuu idinku dhejin doonaa balaayada, jeeruu idinka baabbi'iyo dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan.

22. Rabbiguna wuxuu idinku dhufan doonaa taagdarro, iyo qandho, iyo gubasho, iyo kulayl daran, iyo seef, iyo beera-engeeg, iyo caariyaysi, oo iyana way idin eryan doonaan ilaa aad halligantaan.

23. Oo samada idinka korraysaa waxay noqon doontaa naxaas, oo dhulka idinka hooseeyaana wuxuu noqon doonaa bir.

24. Oo Rabbigu roobka dalkiinna wuxuu ka dhigi doonaa budo iyo boodh, oo waxaasu samaday idinkaga soo degi doonaan ilaa aad baabba'daan.

25. Oo Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in laydinku laayo cadaawayaashiinna hortooda, oo iyaga jid qudha baad kaga iman doontaan, oo hortooda ayaad toddoba jid ku kala carari doontaan, oo boqortooyooyinka dunida oo dhammu waad ku dhex rogrogmi doontaan hore iyo dib.

26. Oo meydkiinnu wuxuu cunto u noqon doonaa haadka hawada oo dhan iyo dugaagga dhulka, oo mid iyaga ka eryana lama arki doono.

27. Oo Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa boogtii Masar, iyo kasoobaxyo, iyo cadho, iyo xajiin aydaan ka bogsan karin.

28. Oo weliba Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa waalli iyo indhabbeel iyo naxdin.

29. Oo hadhkii baad u haabhaaban doontaan sida indhooluhu gudcurka u haabhaabto, oo jidadkiinna kuma liibaani doontaan, laakiinse had iyo goorba waa laydin dulmi doonaa oo waa laydin dhici doonaa, oo mid idin badbaadiyana lama arki doono.

Sharciga Kunoqoshadiisa 28