1. Oo taas dabadeed ayaa Daa'uud reer Falastiin laayay, oo jebiyey, oo Daa'uudna wuxuu gacantii reer Falastiin ka qaaday magaalada la yidhaahdo Meteg Ammaah.
2. Oo wuxuu kaloo laayay reer Moo'aab, oo intuu dhulka jiifiyey ayuu xadhig ku qiyaasay, oo markaasuu laba xadhig wuxuu u qiyaasay in la dilo, xadhig buuxana wuu la hadhay iyagoo nool. Oo reer Moo'aabna addoommay Daa'uud u noqdeen, oo baad bay u keeneen.
3. Daa'uudna wuxuu kaloo dilay boqorkii Soobaah, oo ahaa Hadadceser ina Rexob, intuu ku socday inuu dowladnimadiisii ku soo ceshado Webiga agtiisa.
4. Oo Daa'uud wuxuu isagii ka qabsaday kun iyo toddoba boqol oo fardooley ah, iyo labaatan kun oo nin oo lug ah; oo Daa'uudna wuxuu boqno jaray fardihii gaadhiyada waday oo dhan, laakiinse iyagii boqol gaadhifaras buu uga reebay.