Samuu'eel Labaad 22:49-51 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

49. Oo wuxuu iga soo bixiyaa cadaawayaashayda; Haah, waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca; Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.

50. Sidaas daraaddeed, Rabbiyow, anigu waxaan kuugu mahadnaqi doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga ammaan baan ugu gabyi doonaa.

51. Rabbigu si weyn buu boqorkiisa u samatabbixiyaa, Oo wuxuu weligiis raxmad u sameeyaa kii uu subkaday, Kaasoo ah Daa'uud iyo farcankiisaba weligiis iyo weligiis.

Samuu'eel Labaad 22